Deeq A. Posted November 1, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa soo saartay dalab cusub oo la xiriirta khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. Catriona ayaa waxay ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni in ay isku tanaasulaan, si hore loogu sii socdo hanaanka dowlad dhiska. Waxay sheegtay in wada-hadal gaar ah la yeelatay madaxweyne Saciid Deni, ayna kala hadashay in tanaasul la muujiyo si meesha looga saaro khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac. “Waxaan wada-hadalo la qaatay madaxweyne Deni, si aan ugu dhiirri-galiyo isaga iyo dowladda federaalka in ay helaan meel ay isugu tanaasulaan, maxaa yeelay lama dhameystiri karo dastuurka dalkan, haddii dhulkaasi (Puntland) uu maqan yahay,” ayay tiri ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ku boorisay labada dhinac inay horey u socdaan iyada oo la fiirinayo danta labada dhinac ee Puntland iyo tan dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigtay. Hadalka Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya, xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ka maqan yahay Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu go’aamiyay arrimo masiiri ah. Dowladda federaalka ayaa dhawaan sheegtay in aysan Puntland ku qasbi doonin in ay qeyb ka ahaato heshiiskii 27-kii May ay gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran. Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Waxay sheegtay in Puntland oo dhawaan si adag uga hortimid heshiiskaas, ay dibadda ka joogi doonto nidaamkaan doorasho ee dowladdiisu qaadatay. Madaxweyne Deni oo isna dhawaan ka hadlay arrintaas ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah. Wuxuu intaas ku daray inay jirto halis aan indhaha laga qabsan karin oo la xiriirta go’aamada joogtada ah ee ka imaanaya Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo halis ku ah midnimada dalka iyo dowladnimada nugul ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.The post QM oo dalab culus kasoo saartay khilaafka DF iyo Puntland appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites