Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Booliska Muqdisho oo fashiliyay qarax ay Al-Shabaab ku diyaarisay…

Recommended Posts

Deeq A.   
398138837_802370648596210_47685845028412

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab ku doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimadda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay fashiliyeen qaraxan miino oo ay kooxda ku dhex diyaariyeen weelka kululaysada loo yaqaan.

Kuleylisada lagu soo diyaariyay qarax ayaa waxay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo dhigeen Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidanka Xasilinta Caasimada ee waaxda kordamac Degmada Deyniile, sida lagu yiri qoraalka Booliska.

“Qaybta Miino Baarka Boliiska ee MBB-yada, oo goobta gaaray ayaa fashiliyay dhagartii Khawaarijtu la damacsanaayeen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimada, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhanka ah kooxda, kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howl-gallada ka socdo magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

398138837_802370648596210_47685845028412

398176094_802370645262877_16431693029171

398072322_802370651929543_17985556096831

The post Sawirro: Booliska Muqdisho oo fashiliyay qarax ay Al-Shabaab ku diyaarisay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this