Deeq A. Posted November 1, 2023 Gaza (Caasimada Online) – Warbaahinta Masar iyo illo ku sugan xudduudka ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ee dhaawaca ah laga soo daad-gureeyay marinka Gaza ay Arbacadii kasoo gudbeen xadka Masar. Tallaabada ayaa timid iyada oo la raacayo heshiis ay Qadar garwadeen ka tahay oo ay wada gaaren Masar, Israa’iil iyo Xamaas, xilli ciidamada Israel ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas. Dadka lasoo daad-gureeyay ayaa lagu daabbulay gawaarida gurmadka degdega ah, iyadoo lasii maray marinka xadka Rafah. Sida ku cad heshiiska ay wada gaareen Masar, Israel iyo Xamaas, waxaa loo oggolaan doonaa tiro ajaanib ah iyo dadka dhaawacyada culus qaba inay ka baxaan dhulka go’doonsan. heshiiska ayaa yimid maalin kale oo dhiig ku daatay Qaza oo duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay ilaa 50 qof xero qaxooti, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin. Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay taliye sare oo Xamaas ah iyo dagaalyahanno kale oo badan. Isgaarsiinta iyo adeegyada internetka ayaa gabi ahaanba laga jaray Gaza mar kale Arbacadii, sida ay sheegtay shirkada bixisa adeegga isgaarsiinta Gaza ee Paltel. Ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ka tirsan ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof oo haysta baasabooro ajnabi ah ay ka gudbi doonaan xadka Rafah maanta.The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Marinka GAZA appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites