Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo maanta furtay mashruuc ballaaran oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   
397528545_802411481925460_23923815473317

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taageero farsamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey’adda kale ee Dowladda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maal-galinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kala duwan oo maanta ugu dambeyn dhaqangalay.

Waxaa kale oo wasiirka uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda dowlad-goboleedyada Galmudug Farxaan Cali Maxamuud oo magaca wasiirada dowlad-goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa shirkaan hadal ka jeediyay Ku-simaha Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamuud Guure ahna Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maal-galinaya.

The post DF oo maanta furtay mashruuc ballaaran oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this