Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaalkii laga soo duubay Isra’iiliyiinta Xamaas afduubatay oo cadaadis xoogan saaray Netanyahu

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa sii kordheysa cadaadiska saaran Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu inuu xilka iskaga dego kadib muuqaal ay shalay gelinkii danbe siideysay kooxda Xamaas, muuqaalkaasi oo laga soo duubay saddex haween ah oo la hadlay dowladooda Israa’iil inay ka shaqeyso sidii lagu siideyn lahaa.

Haweenka muuqaalkan kasoo muuqday ayaa si adag u cambaareeyey xukuumada Netanyahu kadib markii ay burbureen axadii lasoo dhaafay wadahadaladii socday ee siideynta maxaabiista Falastiin iyo laheystayaasha Xamaas qafaalatay.

Netanyahu oo shir jaraa’iid qabtay ayaa diiday inuu xilka ka dego isla markaana sheegay in aanu ku dhawaaqi doonin wax xabad joojin ah, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay lamid tahay isu dhiibida Xamaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this