Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Somaliland oo qabqabatay rag looga shakisanyahay in ay yihiin argagixiso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay koox ka kooban toban nin oo looga shakiyay argagixiso.

Ragan oo kasoo kala jeeda waddamo kala duwan, ayaa dhammaantood sitay baasboorka dalka Marooko, oo ay ku safrayeen, iyaga oo dhammaantood haysta dhalashada dalka Marooko, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NIA.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko”.

Raggan ayay hay’addu baahisay sawiradooda iyo baasbooradooda, lakiin faah faahin kamay bixin waxa ay damacsanaayeen, iyo kalka ay u socdeen midna.

Booliiska Somaliland ayaa dhawaan isaguna sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakiyeen argagixiso, oo magaalada Hargaysa ku sugnaa.

20231031638343510445653274-1.jpg 20231031638343510672159372.jpg 20231031638343511251877270.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this