Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamada AMISOM oo xalay ku dilay 12 Albaabka hore ee Garoonka dayaa

Recommended Posts

Liqaye   

Geel_la_laayey_1.JPG

 

saakay aroortii hore lagu arkay Albaabka hore ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ugu yaraan ilaa 12-neef oo Geel ah oo ay xalay Ciidamada AMISOM ku shiish Barteen, iyadoo Xoolahaasi ay ahaayeen kuwo loogu talogalay in la gowraco, si kawaanada Muqdisho loogu iibiyo.

 

Xoolhaan ay xasuuqeen Ciidamada AMISOM ayaa ahaa kuwo si aad ah u dhaqaalaysan, waxaana Geelaan lahaa Ganacsato Soomaaliyed, iyadoo Geelaasi ay yaaliin hareeraha garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana la dareemayaa in Geelaasi loo dilay si araxn daro ah.

 

Geelan ayaa la sheegay in loo soo waday Suuqa loo yaqaano Suuqa Beerta ee Afisyooni oo ku yaala ee degmada Waaberi, halkaasi oo la doonaayay in lagu gowraco si loogu iibiyo suuqyada Hilibka ee magaalada Muqdisho.

 

Ganacsatadii laheyd Geelaasi ayaa iyana sheegay iney geelooda uu mar kasta mari jiray habeen walba wax dhibaato ahna aan loo geysan jirin, islamarkaana ay la yaaban yihiin sababta keentay in xalay geelooda la laayo, waxayna sheegeen inay doonayaan in Magdhow laga siiyo qasaaraha soo gaaray ganacsatadaas.

 

Ciidamada AMISOM ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin dilka Xoolahaasi ay xalay dileen, waxayna arrintani cabsi gelinaysaa dadka Muqdisho xiliyada habeenkii inay maraan wadooyinka ay joogaan Ciidamada AMISOM, arrintaan ayaa dadka Muqdisho u fasiray siyaabo kala duwan iyadoo qaarkooda ay dadka dhaheen waxaa dhici karta inaskari Qamri cabsan uu laayay Geelaas iyo inay tahay mid soo wajahday cabsi, hase ahaatee lama oga jawaabta dhabta ah ee arrintaasi ka dambaysay.

Geel_la_laayey_2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this