Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta oo ku biiray dagaalka GAZA, weerar gantaallo-na ku qaaday Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa salaasadii wacad ku maray weeraro dheeri ah oo ka dhan ah Israa’iil, haddii ay sii waddo dagaalka ka dhan aha Xamas ee Gaza, ayaga oo sheegay inay mar horeba ay diyaarado drone ah iyo gantaallada basllitic-ga ah ku weerareen Israa’iil.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen… waxa ay xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan duqaymaha tayada leh ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, illaa ay ka joogsanayaan gardarrooyinka Israa’iil,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta oo laga sii daayay TV-gooda Al-Masirah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta ay “tiro gantaallo ballistic ah oo baaxad leh… iyo tiro badan oo diyaarado hubaysan ah ay u direen” dhanka Israa’iil salaasadii.

Waxay sheegaan inuu ahaa hawlgalkii saddexaad ee noocan oo kale ah oo ay la beegsadaan Israa’iil tan iyo markii weerarka Gaza uu billowday 7-dii October kadib markii dagaalyahannada Xamas ay qaadeen weerarkii ugu xumaa ee lala beegsado Israa’iil.

Goor sii horreysay millatariga Israel ayaa sheegay in “diyaarad cadow ay soo gashay” hawada magaalada Eilat, ee ku teedsan badda cas, ayaga oo goor dambena sheegay in dhexda laga qabtay gantaallo lagu soo weeraray Israa’iil.

“Dhammaan halisaha hawada waxaa lagu qabtay meel ka baxsan dhulka Israa’iil,” ayaa lagu yidhi bayaanka militariga Israa’iil.

Abdelaziz bin Habtour, oo ah Ra’iisul Wasaaraha dowladda Xuutiyiinta, ayaa salaasadii sheegay inay “qayb ka yihiin tiirka iska caabinta” ee ka dhanka ah Israa’iil, oo ay ku jiraan kooxaha Tehran ay taageerto ee Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, ayna ku dagaalamayaan “hadallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

“Waa hal tiir, waxaana socda isku xidhnaan, qol hawlgal oo wadajir ah, iyo talis wadajir ah oo ka dhaxeeya dhammaan hawlgalladan,” ayuu yidhi.

“Ma ogolaan karno in cadawgan Sahyuuniyadda ah ee kibirka badan uu dadkeena laayo.”

Xuutiyiinta ayaa caasimadda Yemen ee Sanca iyo qeybo badan oo dalka ka mid ah qabsaday 2014-kii

Dowladda Mareykanka ayaa jawaab taxaddar leh ka bixisay hadalka Xuutiyiinta. “Cid kasta oo ku fakareysa inay ku biirto dagaalkan, ma ahan inay sidaas sameyso,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Matthew Miller oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Afhayeenka Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay soo ridday gantaal riddada dhexe ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta.

“Sida aan hore u sheegnay, waxaan rabnaa inaan ka hortagno dagaal ballaadhan oo goboleed,” ayuu yidhi Ryder.

Israa’iil ayaa Xuutiyiinta ku eedaysay weerar ay fuliyeen diyaarado Drone ah Jimcihii, iyadoo sheegtay in diyaaradaheedu ay dhexda ka qabteen “bartilmaameedyo cadow” oo ku sii jeeday koonfurta Israa’iil.

Isla waqtigaas, lix qof ayaa dhaawacyo fududi ay ka soo gaadheen burburka dhismo ku yaalla xuduudda Eilat oo u dhow magaalada dalxiiska ee Taba ee dalka Masar, sida ay sheegeen ciidammada Masar xilligaas.

19-kii October, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen saddex gantaal oo ah nooca dhulka lagu rido iyo “dhowr” diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Xuutiyiintu ay soo tuureen, lagana yaabo in ay ku socdeen Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this