Deeq A. Posted November 1, 2023 Hargeysa,(Qaran)-Jaamacadda Hargeisa University gaar ahaan Kuliyadda Engineering-ka Jaamacadda ayaa ku guda jirta dhamaystirka shaybaadhada casriga ah ee qaybaha dhismaha iyo biyaha. Shaybaadhadan ayaa iskugu jira – Concrete Lab – Hydraulic Lab – Surveying and Geodesy Lab Kuliyadda Engineeringka ayaa hore qalab casri ah ugu keentay shaybaadhada qaybaha dabka iyo isgaadhsiinta. Shaybaadhadan ayaa dhawaan xadhiga laga jari doonaa iyadoo loo isticmaali doono waxbarashada iyo adeega bulshadda ee dalka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites