Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Dhawrista Tayada oo Go’aan ka soo Saartay Sonkor Oomaar soo Dejiyay oo bulshadu ka Shakiday

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Dhawrista Tayada oo Go’aan ka soo Saartay Sonkor Oomaar soo Dejiyay oo bulshadu ka Shakiday

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔(Qaran news)- Hay’adda dhawrista tayadda qaranku waxa ay bulshada uga masuul tahay ilaalinta badqabka iyo caafimaadka bulshada Somaliland .

Hay’adda dhawrista tayadda waxa dhawaan soo gaadhay sonkor ay bulshada ka cabatay taas oo bulshada tuhun ka galay sida ay dalka ku soo gadhay.

Sidaa dardeed waxa aanu bulshada la wadagaynaa xogta sonkortas iyo tayadeeda

• Hay’adda dhawrista tayadu waxa ay bulshada u cadaynaysa in ay sonkortu ku timid 50-kg, taaso soo martay dekedda Berbera, isla mrakana lagu sameyay baadhis.

• Xadiga sonkorta shirkadu lasoo degtay waxa uu dhamaa 293 Koontiinet oo ka kooban 158,220 kiish oo 50-kg ah, taarikhda ay sonkortu dalka soo gaashay waa 7/10/2023 Taarikhda ay so baxdayna waa june/2023 iyo july 2023, halka taarikhda ay dhacaysayna ay tahay June/2026.

Hay’adda dhawrista tayaddu iyadoo tix galinaysa cabashadii bulshada waxa ay qaaday talaabooyin kale duwan si waafaqsan xeerka hay’adda dhawrista tayadda.

1. Waxa anu baaadhis (vissual inspection) ku samaynay dhamanaan bakharada ay leedahay shirkadu ee ku yaal Hargeysa iyo Berbera.

2. Waxa aanu ka qaadnay sonkor muunad ah (sample) si loogu soo baadho shaybaadhka hubinta tayada ee Hay’adda dhawrista tayada.

𝗡𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗼𝗼𝘆𝗶𝗸𝗮 𝘂𝗴𝗮 𝘀𝗼 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗮𝗹𝗸𝗮:

Hawlgalkan oo muddo qaatay waxa Hay’adda Dhawrista Tayadda uga soo baxay qodobadan hoos ku xusan.

• Sida ku cad natiijada shaybaadhka qaranka ee hubinta tayadda waxa hay’adda u cadaatay in aanay sonkortani wax dhiba aanay lahayn.

• In shirkada Ominco Group ay dib u bacayn ku samaysay sonkortii 50kg ahayd taaso ay ka dhigtay 25kg iyago tixgalinaya awooda bulshada ee ah in aanay bulshadu iibsan karin kiishka 50kg ah.

• Shirkadu waxa ay xaq u ledahay in ay 2% badeecadd kasta oo ay laso degayso ay soo raacsato baco madhan ( empty bags) taso ah hadi ay jeexanto, dilacdo in ay ku badashaan kiishashkaas madhan .

• In taariikhada kiishka sonkorta 25kg ah dib loogu cabeeyey ay khaldan tahay oo ay tahay 1/10/2023 halkii ay ka ahaan lahayd july/2023/ june 2023.

• 𝗚𝗮𝗯𝗮-𝗴𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶.

Hay’adda dhawrista tayaddu waxa ay bulshada somaliand u cadanaysaa in sonkorta macluumaadkeedu kor ku xusan yahay ay tahay sonkor aan wax cilada aan lahayn oo ay bulshadu isticmaali karto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this