Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698824085282.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan.

“Bolivia waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil, waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani.

Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza , iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay in ay ku dhintaan  8525 falastiiniyiin ah.

Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaza ,waxayna ku baaqeen xabad joojin deg deg ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this