Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba ganacsade oo xalay lagu dilay magaalada Dhuusanareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231101_095546234-2.jpg?resize=1

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay bartamaha  Dhuusamareeb lagu dilay laba kamid ah ganacsatada magaalada.

Dabley hubaysan ayaa wax yar kadib salaaddii makhrib bartamaha Dhuusamareeb ku toogtay Siciid Tahliil Maxamed iyo Shiikh Xasan Diirshe sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Amniga.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay goobta isaga baxsadeen kooxdii dilka fulisay islamarkaana aan weli la aqoonsan dhinaca ay ka tirsan yihiin kuwa falkaas sameeyay.

Waxaase wararka qaar tilmaamayaan dilka labada marxuum uu la xiriiro aanooyin qabiil oo ka dhashay xiisadda ka taagan degaanka Xananbuurre ee gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post Laba ganacsade oo xalay lagu dilay magaalada Dhuusanareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this