Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Caddaalada Israa’iil oo la waashay argagax uu ka qaaday weerarkii Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698825379488.jpg?resize=720%2C46

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Wasiirkii Caddaalada ee YH Levniye uu Waashay, Kadib markii uu argagax iyo xanuun maskaxda ah ka qaaday Weerarkii Xamaas .

Wasiirka ayaa dareemayey Cabsi, niyad jab iyo isku buuq sababo la xiriira dareenkiisa mas’uuliyadeed wixii dhacay 7-dii Oktober ee weerarkii ay xamaas gudaha ugu gashay Israa’iil .

Wasiirkan ayaa loo diiday in uu dalka dibadiisa aado,TV-ga 12-aad ee Israa’iil ayaa arintan ka Waraystay siyaasiga la yiraahdo Ben Caspit,wuxuuna  yiri:

“Sababta Wasiirku Caqligiisa u waayey,waa Culaysyo haystay, sidoo kale wuxu dareemayey ceeb iyo fashil, Qoyskiisa oo uu u cabsanayey noloshooda iyo dareenkiisa masuuliyadeed fashilkii dhacay 7-dii-October”

“Maalmo ka hor Wasiirku inta aanuu waalan, wuxuu doonayey in uu is casilo, balse Xukuumada ayaa ka diiday, Waxaan filayaa hadii laga aqbali lahaa inuu dalka ka baxo oo is Casilo xiligan Ma Waasheen” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii Caddaalada Israa’iil oo la waashay argagax uu ka qaaday weerarkii Xamaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this