Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay 10 nin oo ajaanib ah oo loo heysto arrin xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
833d1684-4f3a-49e1-a0b6-a5419f8423cf.jpe

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa caawa baahisay sawirrada 10 Nin oo ahaanib ah, kuwaas oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

Qoraal ka soo baxay hey’adda sirdoonka Somaliland ayaa lagu sheegay in raggaan ay asal ahaan kasoo kala jeedaan dalalka Suriya, Pakistaan iyo Morooko.

10-ka nin ee Somaliland ay qabatay waxaa lagu sheegay qoraalkaan inay dhammaantood heystaan dhalashada dalka Marooko.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Somaliland ma aysan shaacin sida ay ka yeelayaan xubnahaan ay qabteen ee ajaanibta ah.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay sawirrada 10-ka nin ee Somaliland ay soo bandhigtay, faahfaahin intaas dheerna kama bixin sida loo qabtay.

Qoraalka ka soo baxay sirdoonka Somaliland laguma xusin magacyada ragga ajaanibta ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo hadda xabsiga ku wadajira.

Kooxaha argagixisada ah inta badan dhibaatooyin kama geystaan deegaanada Somaliland, waana dhul nabad ah oo ka caagan argagixiso, markii loo eego xaaladda ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

833d1684-4f3a-49e1-a0b6-a5419f8423cf.jpe a47b7aef-e1de-4f32-b942-b77ef283bc7b.jpe 1cba3ae8-6b32-4394-acec-23c205786b29.jpe

The post Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay 10 nin oo ajaanib ah oo loo heysto arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this