Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee xaaladda rayidka ku nool Marinka go’doonsan ee Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   
SEI_175410763-66bf.jpg?resize=1000%2C525

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caawinta Falastiiniyiinta ayaa maanta shaacisay in dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qaza ay la kulmaan ciqaab wadareed iyo barakicin khasab ah.

“Xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah waxay noqotay arrin nolol iyo geeri u ah malaayiin,” Guddoomiyaha UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka sheegay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaaladda Qaza.

Dhinaca kale  Israa’iil ayaa sheegtay in uu jiro qorshe lagu daadgureynayo dadka dhaawaca ah ee ay xamili waayeen isbitaallada Qaza, lana geynayo maraakiib ku soo xiran doona xeebaha Qasa, kuwaaso oo ay ku sheegeen in ay bixin karaan adeegyada caafimaad ee ay dhaawacyada u baahanyihiin.

Ma cadda maraakiibka sida isbitaalka u shaqeynaya cidda leh, balse waxaa soo baxaya suurtagalnimada qorshe uu dejiyay Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee xaaladda rayidka ku nool Marinka go’doonsan ee Qaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this