Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Dhulbahante Ma Taageerin Go’aankii Kala Goynta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Waraysigii 1991 lala kala yeeshay Cismaan Garaad Maxamuud iyo Cali Khaliif Galaydh.

Muqdisho (War) — Had iyo jeer dadka  aamminsan in go’aankii kala-goynta Soomaaliya uu ururkii Somali National Movement 1991kii Burco kaga dhawaaqay waxay cuskadaan saxiixyo ay ku tilmaamaan inay yihiin kuwii ka qeybgalayaashii shirkaas. Labada siyaasi ka socday Laascaanood oo shirkaas ka qeybgalay waxay kala ahaayeen Cismaan Garaad Maxamuud iyo Dr Cali Khaliif Galaydh (labaduba waxay geeriyoodeen 2020kii).

Wariye ka socda BBC World Service ayaa waraystay labada siyaasi. “Waxaa jiray dhowr qoddob ilaa hadda qoran oo ay SNM soo jeedisay, oo hore ay u soo diyaarsadeen oo waxaa ansixiyay guddi-hoosaadyo oo shirka ayaa la keenay. Qof kasta wuu oggolaaday. Waxaan aamminsanahay in waxa hadda dhacay Jamhruuryadda Somaliland aysan ahayn ra’yiga dhabta ee hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somalilnad. Maamulka dadka ayaa go’aanka gaaray. Waa nalagu qasbay” ayuu yiri Cismaan Garaad Maxamuud. Cali Kahliif wuxuu yiri:  “Hawl adag ayaa noo taalla. Dadkeenna ka qeybgalay shirka, labadeenna kaalimood way is waydaarsan yihiin. Hoggaanka Dhulbahate [oo shirka ka qeybgalay] ayaa qaatay go’aanka. Waa inay  beesha Dhulbahantaha ka dhaadhiciyaan oo go’aanka [goosashada].  Dhinaca Isaaqa, waa fikarad dadku qabaan oo dhaqaajisay siyaasiyiinta SNM. Sidaas darteed labaadeenna kaalimood way is weydaarsanaayeen”.

Galeyr-1.jpg?resize=600%2C397&ssl=1Galaydh: “Hawl adag ayaa noo taalla. Dadkeenna ka qeybgalay shirka, labadeenna kaalimood way is waydaarsan yihiin.”

Ku kala aragti-duwanaanshaha kala goynta Soomaaliya ma billaababin 2012. Waxay billaabatay 18 Maajo 1991 markii Burco lagaga dhawaaqay go’aanka in Soomaaliya aysan qaran ahayn maadaama sheegashada goosashadu diiddan tahay qarannimada Soomaaliya. Dadka goosashada doonaya  caqabadda hortaagan ma aha oo keliya reer waqooyiga kaga aragti-duwan kala goynta Soomaaliya, Soomaalida koonfurta ku nool ma doonayaan in Soomaaliya noqoto dal beel kasta meesha ay ku nooshahay ay goosato oo aqoonsi ku raadsato.

20231101_001616.jpg?resize=696%2C585&sslCismaan Garaad Maxamuud: “Waxaan aamminsanahay in waxa hadda dhacay Jamhruuryadda Somaliland aysan ahayn ra’yiga dhabta ee hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somalilnad.”

Waraysiyada lala kala yeeshay labada siyaasi oo  mootan waxay muujinayaan in ajendaha kala goynta Soomaaliya uu ahaa mid u qarsoonaa ururkii SNM oo dastuurkiisu ku salaysnaa dhowrista midnimada Soomaaliya. 

Mowqifka goosashada wuxuu meesha ka saaray soo bixista aragti siyaasadeed oo reer Waqooyigu ku mideysnaan kari lahaayeen. Marka wadahadallo ku saabsan Midnimada ay  dhacayaan waxay dhexmari doonaan Soomaaliya, sida uu sheegay Ergeyga Somaliland ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed.  Ergada maamulka Hargeysa ka socota waxay u hadli doonaan beelaha ka horjeeda midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

© Puntland Post, 2023

The post Beesha Sool clan Ma Taageerin Go’aankii Kala Goynta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this