General Duke Posted August 6, 2007 Ibrahim Cadow Oo Ku Baaqay Inay Wadohadallo La Galayo Dowladda Federaalka uuna ka qaybgalayo shirka Dib u heshiisiinta. Aug 4 2007 Radiofreesomalia.com Ibraahim Xasan Cadow oo ahaa madaxii arrimaha dibadda ee midowga maxkamadaha ayaa asagoo ku sugan magaalada Saca ee dalka Yemen sheegay in midowga maxkamadaha ee laga itaalka roonaaday ay diyaar u yihiin inay wadohadallo la yeeshaan dowladda federaalka Soomaliya si loo af soojaro colaadaha ka taagan Somaliya. Ibraahiim Xasan Caddoow oo u waramayey wakaalada wararka ee dalka Yemen ayaa waxaa kale uu sheegay inuu shaqsi ahaan diyaar u yahay xal raadinta uuna taageersan yahay Shirka dib u heshiisiinta ka socda magaalada Muqdisho. Wakaalada wararka Yemen ayaa waxaa kale oo sheegtay in masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa midowgii maxkamadaha ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida , lana shaqeeyaan Dowlada KMG. Midowga maxkamadaha oo ka talin jiray degaano badan oo ka mid ah dalka Soomaliya ayaa horay ugu gacansaray inay wadohadallo la galaan dowladda federaalka, iyaga oo markastaba ku xiri jiray shuruudo adag inuu wadohadallo dhexmaro. Dhinaca dowladda ayaan wax jawaab ah ka soo saarin nabada uu ku baaqay madaxii hore ee arrimaha dibadda ee midowga maxkamadaha. RFS World Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 6, 2007 Proposed meeting between Somalia govt, opposition in Djibouti MOGADISHU, Somalia - Somali transitional government officials are to hold direct talks with members of the opposition in Djibouti, officials said Saturday. Ali Mahdi Mohamed, organizing committee chairman of the national reconciliation conference, told VOA Somali Service that the ongoing NRC will not be relocated to a neutral venue outside Somalia, but admitted that there are plans for government officials to meet with opposition figures in Djibouti. "They [opposition groups] contacted us and said they want to meet with the [national reconciliation] committee in Djibouti and we accepted," Chairman Mahdi said. Mahdi said the opposition groups, including the Islamic Courts and the so-called "Free Parliamentarians" led by former Speaker Sharif Hassan, had replied to his calls for direct talks last month. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 6, 2007 Golaha Maxkamadaha Islaamka Somaliya, oo ka soo debceen Mowqifkii ay ku diidanaayeen inay DFKMGS kula xaajoodaan, xilli ay GMIS beeniyeen inay Dowladda Ethiopia la yesheen Wada-xaajood qarsoodi ah Mogadisho, Isniin , August 06, 2007 SMC Ilo Diplomaasiyiin Carbeed ah, ayaa ka shanqariyey inay GMIS soo bandhigeen Hindise la xiriira inay mar kale DFKMGS la bilaabaan Wada-xaajood lagu xalinayo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Labada dhinac, oo dabayaaqadii sanandkii hore dagaal lagu riiqmay uu dhex maray. Wargeyska Maalinlaha ee Asharqal-awsad ee ka soo baxa Magaalladda London, ayaa maanta soo daabacay inay soo xooraansadeen in Wafdiga ka socda GMIS ee haaatan socdaalka hawleed ku jooga Casimadda dalka Masar ee Qaahira u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta inay GMIS diyaar u yihiin inay soo galaan Wada-xaajood Nabadeed oo looga hadlayo Arrimaha dalka Somalia. Wargeyska, waxa uu intaasi ku daray inay Ergadda,Maxkamadaha ay saddex shuruud ku xireen Ka-qeybgalka Shirweynaha Nabadda Somalia, waxayna shuruudahaasi kala yihiin:- Inay Ciiddanmadda Ethiopianka ka wada huleelaan gudaha dalka Somalia Inay Ciiddamadda Ethiopianka joojiyaan dhammaan Taageeradda ay siiyaan DFKMGS iyo in la qaado Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Ajnabiga ee ku sugan gudaha dalka Somalia. In Shirweyne Dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed lagu qabto meel ka baxsan dalka Somalia, oo ay Dowladaha Carabta ama Islaamka dhexdhexaadiyaal ka yihiin. Dhinaca kale, Dowladda Federalka Somalia iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegayo inay Golaha Maxkamadaha Islaaamka iyo Dowladda Ethiopia yeesheen Wada-xaajood qarsoodi ah. Guddoomiyaha Guddigii Fulinta ee GMIS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyey arrintaasi, isagoo sheegay inaysan jirin xiriir qarsoodi ah iyo mid toos ah aanay la yeelanin Dowladda Ethiopia, wuxuuna ugu baaqay inay Ciiddamadooda kala baxaan gudaha dalka Somalia. Wargeyska Asharqal-awsad waxa uu maanta qoray inay Dowladda Federalka beenisay inay wax ka og tahay Xiriir dhex maray GMIS iyo Dowladda Ethiopia ee ay Isbahaysiga yihiin,. Mas’uul ka tirsan DFKMGS oo u waramay Wargeyska Asharqal-awsad, ayaa beeniyey inay Dowladda wax ka og tahay xiriir dhex maray GMIS iyo Dowladda Ethiopia, wuxuuna Mas’uulkaasi oo aan maagaciisa la shaacinin uu sheegay inuu xirmay baabkii Wada-xaajoodka ee ay la lahaayeen waxa uu ugu yeeray Argagixisadda. Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa iska fogeeyey run ahaanshaha Wada-xaajoodka qarsoodiga ee la sheegay inuu dhex maray Dowladda Ethiopia iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 6, 2007 These folks are all over the place Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 6, 2007 Originally posted by The Duke: Ibrahim Cadow Oo Ku Baaqay Inay Wadohadallo La Galayo Dowladda Federaalka uuna ka qaybgalayo shirka Dib u heshiisiinta. RFS World Duke riyo ma daayo! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 7, 2007 ^^^Adeer, no day dream the NRC has proven the TFG is in control while the courts and the looters have lost much ground. Quote Share this post Link to post Share on other sites