Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Goleyaasha oo soo Gabogabeeyay Tababarka Adeegsiga Toolmoon ee Astaamaha Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Goleyaasha oo soo Gabogabeeyay Tababarka Adeegsiga Toolmoon ee Astaamaha Qaranka
IMG-20231031-WA0004.jpg

IMG-20231031-WA0005.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ay weheliso Agaasimaha Guud Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa maanta tababar ku saabsan Adeegsiga Tolmoon ee Astaamaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland usoo Xidhay Shaqaalaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland.
Waxa Tababarkaas soo diyaariyey Waaxda Ilaalinta Astaamaha Qaranka iyo Afka Soomaaliga ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu Horeyn waxa Kulanka ka hadashay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

“ Halkan waxa aynu maanta kusoo xidhaynaa kulan is xog waydaarsi ah oo aynu ku eegaynay Ilaalinta Astaamaha Qaranka iyo Hab Adeegsiga Tolmoon ee looga baahan yahay Muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland,Maadama oo Wasaaraddu bilaabayso tababaro ku saabsan Hab adeegsiga tolmoon ee Astaamaha Qaranka,waxa aanu isla garanay in shaqaalaha Wasaaradda laga bilaabo oo lagu tababaro” ayay tidhi Agaasime Guud Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

Intaas kadib waxa isna Munaasibadaas tababarka lagu soo xidhayay ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

“Tababarkeenani waa mid muhiim u ah Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ,waana mid aynu u xil-saaranahay in aan xaqiijino oo gaadhsiino dhamaan Hay’addaha kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Muwaadiniintaba si ay u isticmaalaan Astaamaha saxda ah ee Qaranka “ Ayuu Yidhi Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Mr Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this