Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta howl-gallo culus oo ka socda duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaadiid-dagaal.jpg?fit=720%2C480&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo xooggan oo ka billowday deegaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada maamulka Jubbaland.

Howl-galladan ayaa imanaya kadib dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Ciidamada Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howl-gallada ka wada deegaanka Buulo-Xaaji, halkaasi oo uu ka dhacay dagaalka, kadib markii ciidanka ay weerareen goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah.

Howl-gallada ciidanka ay wadaan ayaa iskugu jira mid ay ka fulinayaan dhulka howdka ah, mid gaadiidka lagu baarayo iyo howl-gallo miino baaris ah oo laga sameeynayo waddooyinka soo gala magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidanka DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waday howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Si kastaba, Maamulka Jubbaland ayaa diyaar-garow xooggan ugu jira billaabida wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo si dardar leh uga socda qeybo kamid dalka.

The post Faah-faahinta howl-gallo culus oo ka socda duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this