Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo doonaysa in ay Masar u qixiso Falastiiniyiinta Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   
106883653-1621167095705-gettyimages-1232

Wargeyska Financial Times, ayaa soo bandhigay xog ku saabsan dadaallada Israa’iil ay ku dooneyso in la barakiciyo Falastiiniyiinta Qasa.

Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay inuu  Netanyahu ku cadaadinayo waddamada Midowga Yurub in ay Masar ku cadaadiyaan in ay qaabilaan qaxootiga Qasa.

waxaa aragtidan lagu soo bandhigay shirkii Midowga Yurub ee toddobaadkii hore, iyadoo ay riixayaan Czech Republic iyo Austria.

Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa sheegay in hindisahan uu hadda yahay mid aan macquul ahayn maaddama ay Masar si cad u diidday qorshaha lagu rarayo Falastiiniyiinta.

Qodobkan waa mid sidoo kale ay Carabtu ka mideysanyihiin oo ay diiddeen, balse ma cadda haddii cadaadiska iyo dadaallada ay arrintan ku bixinayso Israa’iil uu beddeli karo go’aanka Masar.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo doonaysa in ay Masar u qixiso Falastiiniyiinta Qasa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this