Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Cawad oo dastuur-jebin ku eedeeyay madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698732037726.jpg?resize=720%2C48

Siyaasi Axmed Ciise Cawad oo wareysi kooban bixiyay ayaa dastuur-jebin iyo sharci-darro ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Danjire Axmed Ciise oo ka jawaab-celiyay khudbaddii uu maalin ka hor jeediyay madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay mid xambaarsanayd baaq colaadeed.

Sidoo kale waxa uu ka horyimid  islamarkaana waxba kama jiraan ku sifeeyay mudda kordhintii uu guddiga doorashada Puntland ee PEC u sameeyay dowladda.

“Guddiga PEC waxba uma kordhin karaan dowladda waa sharci-darro iyaguna waxay ku dhisan yihiin sharci-darro. Siciid Deni waxa uu maamulayo oo dhan baa sharci-darro ah oo dastuurkii ayuu jebiyay” ayuu yiri Cawad.

PUNTLAND POST

The post Danjire Cawad oo dastuur-jebin ku eedeeyay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this