Sign in to follow this  
Deeq A.

Samsung Galaxy S23 Aya La Jabsaday Intii Lagu Jiray Tartanka Hackers

Recommended Posts

Deeq A.   

Samsung Galaxy S23 ayaa laba jeer la jabsaday maalintii ugu horraysay ee tartanka Pwn2Own hacker ee Toronto dalka Canada.

Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa ku guuleystey in uu talefoonka ku fuliyo “In si fudud u dhax gaalo Samsung Galaxy S23” wuxuuna ku guuleystay abaal mariin dhan $50,000, halka ka qaybqaataha kale uu helay fudaydin kale oo aan la garanayn wuxuuna helay $25,000.

Taleefannada ka qaybgalaya tartanka ayaa kala ah Samsung Galaxy S23, Xiaomi 13, Google Pixel 7 iyo Iphone 14. Dhammaan mobaylada waxa ay wataan software-kii ugu dambeeyay oo ay ku rakiban yihiin dhammaan iyo wixii cusub ee la heli karo.

Pixel 7 iyo iPhone 14 ayaa sameeyay adkeeysi badan iyo difaac culus, laakiin Xiaomi taleefankeeda casriga ah ayaa sidoo kale la jabsaday.

Sannadkii hore, Galaxy S22 oo wata Android 13 ugu dambeyey  ayaa la jabsaday 55 ilbidhiqsi gudahood isla dhacdadaas. Cilmi-baadhayaasha amniga ayaa ku guuleystay inay jebiyaan amniga taleefanka afar jeer intii uu socday tartanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this