Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay Biriij kii Cusbaa oo Dumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-“Biriijka dumay wuxuu ahaa ciid iyo dhoobo la isa saaray,” sidaa waxa yidhi
Xoghaye ku-xigeenka Gaadiidka Mudane Maxamed Cali oo kormeeray Biriishka roobku waxyeeleeyay ee Cabaad weyne ee
ku yaalla jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Maxamed Cali wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ninkii maalin ka hor dooxaasi la tagay, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku darsatay maamul xumo iyo isla xisaabtan la’aan.

Ku xigeenka Xoghayaha Gaadiidka xisbiga WADDANI wuxuu sheegay biriishkaas oo ay maalgelisay Dawladda Imaaraadka Carabtu uu u dumay farsamo xumo waxaanu ku sifeeyay dhoobo iyo ciid la isa saaray.

Waxa kaloo uu xusay inkasta oo dalku leeyahay injineero tiro badan, hase ahaatee xukuumaddu ay biriishyada iyo dhismeyaasha ku aamni waydo oo ay u dirato injineero shisheeye ah oo kuwa reer Somaliland ka khibrad badan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in lala xisaabtamo dadkii dhisay biriishkaasi oo Somaliland u soo jiiday khasaare ballaadhan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this