Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Cali Jeyte oo war ka soo saaray xilkii uu Xasan Sheekh u magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Jeyte.jpeg?fit=2400%2C1400&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ka hadlay xilka cusub ee madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay, sidoo kale Cali Jeyte ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay Cali Jeyte u magacaabay u qaabilsanaha xafiiska Madaxweynaha ee ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley.

Cali Jeyte ayaa galabta sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu u igmaday, isagoo balan qaaday in masuuliyadiisa la dagaalanka Al-Shabaab uu si buuxda u gudan doono.

“Xilkaan waan ku faraxsanahay, waana uga mahadcelinayaa Madaxweynaha qaranka, Ilaahey waxaan ka baryaa inuu xilkaan nagu asro oo uu noo fududeeyo gudashada waajibaadka naloo igmaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale hoggaamiye Cali Jeyte ayaa farriin u diray dhamaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo ka dalbaday inay qolo walba doorkeeda ka qaadato dagaalka Al-Shabaab, si looga guuleysto cadowga.

Dhanka kale, haweenka ayuu Cali Jeyte ka dalbaday inay dagaalka ka qeyb galaan, isagoo sheegay inay qaadan karaan door aad u weyn, qof kasta oo Soomaali ah ayuu sidoo kale Cali Jeyte ugu gacan haatiyey dagaalka kooxda.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqtigii ugu xumaa, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhalinyarada is qarxineysa, “Wax la dhowran karo kama socdaan dalkeena, wiil hooyo Soomaaliyeee dhashay ayaa Bam lagu soo xiraa maalin kasta, waxaana lagu laayaa dadkeena,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii Cali Jeyte wuxuu yir, “Soomaaliya waxaa rabsho ka wada cunug hooyadiis iyo aabihiis dhalaya meher iguma aadnaa dhalin, diina ma taqaaniin ee anigaa diinta aqaan, Al-Shabaab waxay la yimaadeen wax aan la arkin oo aan la maqlin.”

Hoos ka daawo

The post Daawo: Cali Jeyte oo war ka soo saaray xilkii uu Xasan Sheekh u magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this