Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Caalamiga ah ee Ziraat Katilim oo xarun cusub ka furtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698643837463-615x410-1.jpg?resiz

Bankiga Caalamiga ah ee Ziraat Katilim oo laga lee yahay dalka Turkiga ayaa markii u horraysay xarun ka furtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daah-furka xarunta cusub ee bankiga Ziraat ee Muqdisho waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda iyo madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Ziraat bank ku tilmaamay bankigii ugu horreeyay ee caalami ah oo xarun ka furta magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta xariga ka jarno xarunta banki caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri wasiir Biixi Imaan Cige.

Furitaanka Bankigan cusub waxay qayb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee caalamka sida uu sheegay wasiir Biixi Imaan.

PUNTLAND POST

The post Bankiga Caalamiga ah ee Ziraat Katilim oo xarun cusub ka furtay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this