Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa magaalada Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698647170425.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ku gaaray  dalka Turkiga.

Safarka duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa yimid kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş.

Duqa magaalada Ankara ayaa xafiiskiisa ku qaabilay duqa Muqdisho mudane Madaale waxaana labada mas’uul yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib usoo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Duqa Muqdisho oo marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa magaalada Ankara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this