Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698657077159.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

FB_IMG_1698657083187.jpg?resize=720%2C50 FB_IMG_1698657056987.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1698657065065.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1698657086906.jpg?resize=720%2C48

The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this