Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts concerned about US-KENYA troop movement..

Recommended Posts

Golaha Maxkaamadaha oo dareen ka muujiyey Dhoolatus ay Ciiddamaddo isugu jira Maraykan iyo Kenyaati ka wadaan meel ku dhow xuduudka dalka Somalia .

 

Mogadishu , Jimco, Nov 10. 2006 Radio Simba

 

Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia, ayaa dareen ka muujiyey dhoolatuska Milliteri ee aan la sii shaacinin oo ay Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Kenya si wadajir ah uga samaynayaan xuduudka ay Kenya la wadaagto dalka Somalia

 

Mas'uul ka tirsan GMIS, ayaa sheegay inay Kooxo Khubarro ah oo ka socda Ciiddamadda Maraykanka ay ku sugan yihiin dhul-xuduudeedka u dhexeeya Dalalka Somalia iyo Kenya , si ay uga sameeyaan Dhollatus Milliteri oo aan horey loo sii shaacinin.

 

Mas'uulkaasi, oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa Magaalladda London, ayaa sheegay inay dareen ka bixinayaan Dhoolatuskaasi aan sababta lahayn, isla markaana aan horey loo shacinin, iyadoo ay Ciiddamo ka kala socda dalalka Maraykanka iyo Kenya ka qeyb galayaan Dhoolatuskaasi oo socon doono muddo dhowr maalmood ah.

 

Dhinaca kale, Mas'uulkaasi oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa ku sheegay Wareysigaasi inay Ciiddamadda Kenya boqolaal ka tirsan Ciiddamadooda soo dhoobeen xudduudka ay la wadaagaan Somalia, wuxuuna xusay inay Ciiddamadaasi ku hubeysan yihiin Madaafiicdaa Goobta iyo hub aad u casri ah.

 

Mas'uulka, waxa uu iska fogeeyey inay dhici karaan Dagaal dhex mara GMIS iyo Ciiddamadda dalka Kenya, inkastoo uu xusay inay la macaamiltami doonaan Ciiddamo kasta oo Kenyaati ah oo soo gala gudaha dalka Somalia.

 

Mas'uulkaasi ka tirsan GMIS ee maanta u waramay Wargeyska Asharqal Awsad, waxa uu carrabka ku dhuftay in dagaalka Asaasiga ah uu GMIS kala dhexeeyo Dalka Ethiopia, ee uusan ahayn mid ay kula jiraan Dalka Kenya ama Dowladaha kale ee Juqraafi ahaan ku hareeraysan Geeska Afrika.

 

Hadalka Mas'uulka u hadlay GMIS, ayaa ku soo beegmay hal maalin kadib, markii ay Dowladda Kenya sheegtay inay Ciiddamo badan soo dhoobtay xuduudka ay la wadaagaan dalka Somalia, isla markaana ay Ciiddamadda Maxkamadaha ku soo dhawaadeen xuduudkooda.

 

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moosis Watangula, ayaa dorraad ka hor sheegay Baralmaanka dalkiisa inay Ciiddamadda Kenya adkeeyeen joogitaanka Xuduudka ay Somalia la wadaagaan, isagoo arrintaasi ku sababeeyeey si ay ula socdaan Xaalladaha ku soo kordhayo Arrimaha dalka Somalia.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo kenyan ah oo la soo dhoobay xuduuda gobolka Gedo

 

Baardheere 10, Nov.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo Kenyan ah oo aad u fara badan ayaa la soo dhoobay Xadka Kenya ay la wadaagto gobolka Gedo.

 

Dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada wadanka Kenya ayaa si weyn looga dareemay deegaano ka tirsan giobolka Gedo, kuna yaala xuduuda kala qeybisa labada dal, inkastoo dhaq dhaqaaqaasi ciidan uu yahay mid kooban oo dowladda Kenya ay ugu talo gashay in ay ku adkeyso amniga xuduuda ay la leedahay dalka Kenya.

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Militariga dalka Kenya oo ay wehliyaan kuwa booliska, kuna qalabeysan gawaarida gaashaaman in la soo dhigay xuduuda u dhaxeysa magaalooyinka Ceelwaaq Kenya iyo Ceelwaaq Somalia, iyagoo fariisimo ka sameystay meel u dhow labada magaalo.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelwaaq oo shabelle ugu waramay saakay qadka isgaarsiinta fooneeyaha ayaa waxa ay sheegeen in la arkayay boqolaal ciidan oo habeen iyo maalin gaafwareegaya xuduuda u dhaxeysa labada magaalo, kuwaasi oo baaritaan ku haya dadka socotada ah ee isaga kala goosha labada magaalo, waxaa kale oo ciidamadaasi ay xayiraad ku soo rogeen isgaarsiintii teleefoonada ee magaalada Ceelwaaq Kenya ay la laheyd dalka Somalia iyo waliba dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

 

U jeedada ciidamadaan loo soo dhoobay xuduuda ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay mid ay ku xoojinayaan amaanka isla markaana ay ka hortagayaan xiisadah colaadeed ee ka soo socda K/Somalia.

 

Axmed Cumar Saalixi

 

Shabelle Media Network Gedo

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxakimta islaamka oo sheegay in dowlada Mareykanka ay gacan ka geysan karto dib u hishiisiinta Soomaaliya haddii ay u is taagto.

 

November -10 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maaxakimta islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmaamay hadalada is daba joogga ah ee ka soo yeeraya dowlada Mareykanka ee ka dhanka ah Soomaaliya mid tusaale u ah in aysan aqoon u laheyn aromaha siyaasada gudaha Soomaaliya.

 

Mr Shariif ayaa tibaaxay in mareykanka uu Soomaaliya ka aaminsan yahay fikrado qaldan , isaga oo tibaaxay in Soomaaliya aysan joogin xubno ka tirsan Alqaacidda .

 

Gudoomiyaha oo u waramayay idaacada Horn Afrik ayaa tilmaamay in isbadalka nabadeed ee ka jira Muqdisho uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka oo si weyn ugu oomanaa helitaanka nabad la isku haleyn karo

 

"Dowlada Mareykanka waa awood dunida ka jirta oo gacan ka geysan karta arimaha dib u hishiisiinta Soomaaliya isla markaana dalalka fara gilinta ku haya arimaha Soomaaliya ka hor istaagi karta , arinkaasi waxa uu imaan karaa marka Mareykanku uu isku dayo.' sidaa waxa yiri gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakimta islaamka .

 

Godoomiyaha gudiga fulinta ee maxaakimta wax auu sheegay in Ithobiya aysan ciidamo u soo dirin laheyn Soomaaliya haddii ogalaansho laga haysan Mareykanka , waxa uuna sheegay in haddii Mareykanka uu ku cadaadiyo Zanawe ra`isul wasaaraha Ithobiya in fara galinta uu ka joojiyo Soomaliya in taasi ay imaaneyso .

 

Dhinaca kale gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakimta islaamka ayaa tibaaxay in ay yar tahay aqoonta dowlada Mareykanka u leedahay arimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya taasina ay tahay caqabad jirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada xuduuda Soomaaliya iyo kenya u dhexeysa.

 

Hobyonet. Muqdisho. Khamiis,Nov 09,2006

ciidamo mareykan ah ayaa la sheegay in ay dhowr jeer yimaadeen xuduuda ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya , iyagoo ka fuliyay howlgalo ciidan

 

dhaqdhaqaaqa ciidamadan ayaa waxaa cabasho ka muujiyay Gudoomiyaha degmada dhoobley Axmada Sacad kaasoo sheegay in aysan garankarin howlgaladii ay sameeyeen ciidamadaasi Mareykanka ah balse waxuu cadeeyay in ay yimaadeen .

 

Mas'uulku waxuu kaloo sheegay in imaanshaha ciidamadu aysan jirin xiligan cid ay wax ugu dhibeen balse ay suurta gal tahay mid dhan ka ah Maxkamadaha oo ku soo dhawaaday xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. ayna imaatinkoodu la xiriirsan yahay Arrintaas.

 

Wararka ayaa sheegaya in amaanka xuduuda ay adkeeyeen dowlada Kenya , kuwaasoo sheegay in ay ka soo gudbaan qaxooti fara badan oo ka soo qaxaya gudaha dalka soomaaliya iyo inay dhici karto in argagixiso ay ka soo gudubto xuduuda labada dal ay wadaagaan.

 

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay baaritaan la xiriirsan howlo argigixiso ay u tageen halkaasi ayna cidna wax ugu dhibin joogitaankooda.

 

 

 

 

 

C/weli Yuusuf

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka Oo Soo Jeediyey In Wada-xaajoodka Soomaaliya Loo Weeciyo Switzerland & Sarkaal Maraykan ah Oo Qiray In ay Ciidamo ka Joogaan W/Bari Kenya.

Posted to the Web Nov 11, 08:39

 

 

Djibouti-Sarkaal sare ee horkacaya ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee ka tirsan ciidamada isbiirsaday ee fadhiya xeebaha wadanka Djibouti, ayaa shaaciyey inuusan ku qancin doorka dhex-dhexaadinta ee Sudan, ay ka dhex wado Dowlada KMG iyo Maxkamadaha Islaamiga.

 

 

Sarkaalka oo magaciisa qariyey, ayaa mabda’ ahaan ku tala bixiyey in wadahadalka nabada Soomalida loo wareejiyey wado dhexdhexaad ah sida magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

 

 

Isagoo shalay ka hadlayey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa uu sheegay in uusan taladiisa ula jeedin in uu diidan yahay kaalinta Sudan ay ku leedahay nabadeynta Soomaaliya ,balse waxa uu tilmaamay in Khartoum aanay aheyn goob ku wanaagsan in looga xaajoodo mushkilada Soomaaliya, isagoona farta ku fiiqay in Switzerland ay tahay goobta ugu wanaasan ee lagu dhexdhexaadin karo dhinacyada Soomaaliya ku loolamaya.

 

 

Waxa uu qiray Sarkaalka, in Mareykanka uu la’yahay xog dhab ah Soomaaliya iyo dadka Soomaalidaba, islamarkaanka Mareykanka uu u baahan yahay inuu faham dhameystiran oo ka turjumaya xaalada Soomaaliya.

 

 

Waxaana uu intaasi raaciyey in xogta Mareykanka uu ka hayo Soomaaliya aanay ku filneyn oo uu doonayo inuu ogaado xaalada dhabta ah ee haatan ka aloosan.

 

 

Sidoo kale sarkaalkani American-ka ah ayaa carabka ku dhuftay in Mareykanka ay ciidamo ka joogaan geeska Afrika, gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, halkaasina ay ka wadaan howlo lagu gargaarayo dadka deegaanka.

 

 

Dacda kale waxa uu sheegay inaysan jirin wax qorshe ah oo Mareykanka uu ugu duulayo Soomaaliya xiligan, balse uu taageerayo hanaanka wadahadalka nabada ee gobolka.

 

 

Isagoo ka hadlayey ciidamada isbaheystay ee Mareykanka uu horkacayo ee jooga geeska Afrika, waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay tiro ahaan gaarayaan 1,500 oo askari oo loogu tala galay inay gobolka ka ilaaliyaan dhaq-dhaqaaqa argagixisada iyo inay fuliyaan mashaariicda samafalka.

 

 

1,500- ee askari ayaa ku kala sugan dalalka:- Eritrea, Soomaaliya, Sudan, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Mauritius, Comoros, Seychelles & Yemen.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this