Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Beeraha oo Furay Shir ku Wajahan Siyaasadda Abuurka Siidhka Beeraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Beeraha oo Furay Shir ku Wajahan Siyaasadda Abuurka Siidhka Beeraha
IMG-20231030-WA0003.jpg
Hargeysa(Qaran)-Wasiirka Beeraha oo Hargeysa Ka Daah-furay Shir Ku Saabsan Siyaasadda Abuurka beeraha (Siidhka).

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda beeraha, ayaa waxa kale oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Aadan Cabdillaahi Sh. Muuse iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya horumarinta beeraha.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah oo Wasaaraddu soo qaban-qaabiso, ayaa Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Qorshayntu ka sheegeen furitaankiisa in lagu dersayo siyaasadda Siidhka, si loo helo siyaasadda Abuurka Beeraha, taasi oo ilaalinaysa abuurka waddaniga ah ee tayada leh, taasina qayb ka tahay qorshaha Qaranku ku hiigsanayo isku filaanshaha dhanka cuntada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this