Deeq A. Posted October 30, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir gaar ah oo ay xalay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray amniga guud ee caasimada. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Wasiiru Dowlaha Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa, waxaana ka qayb-galay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir iyo saraakiisha qaabilsan amniga. Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ah saraakiisha hoggaamisa ciidanka xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro iyo kuwa Nabad-Sugidda oo qayb ka ah howlgallada Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka socda degmooyinka gobolka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniha ee dowladda Soomaaliya. Ugu horreyn taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi oo madasha ka hadlay ayaa wasiir Xagaa iyo taliyaha booliska siiyay warbixin guud oo ku aadan amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen ka hortegga falal ammaan darri iyo weeraro ay soo maleegeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Dhankiisa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Firin oo shirka hadlay ayaa ku boggaadiyay qaybaha kala duwan ee hoggaanada ciidamada sida ay uga shaqeeyeen amniga guud ee caasimada, wuxuuna wasiirka la wadaagay guulaha laga gaaray howlgallada xasilinta ee ka socda magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir laga dareemayay xasilooni amni, taas oo ku timid howlgallada ay wadaan hay’adaha amniga Soomaaliya. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dalka ka wadda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. The post Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites