Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-jubbaland.jpg66.jpg?fit=960%2C

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kooxda Al-Shabaab uu maanta ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar toos ah ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ioo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxayna sheegeen inay ku beegsadeen goob ay isku uruursaneeyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in Al-Shabaab ay duulaanka ku qaadeen ay qorsheynayeen inay soo wareeraana fariisimahooda iyo kuwa ciidanka dowladda, balse ka hortageen, kadib xogo ay ka heleen dadka deegaanka, ayna soo afjareen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horheedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Buulo Xaaji oo ah halka lagu dagaalamay ayaa deegaan marba dhinac u gacan gala Al-Shabaab iyo Jubbaland oo marar badan ku wada dagaalamay halkaasi.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa deegaankaas kasoo abaabusha weerarada inta badan lagu qaaday fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka.

The post Ciidamada Jubbaland oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this