Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: AHLU SUNNA oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday GALMUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   
ahlusuna.jpg?fit=720%2C480&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobollada Dhexe ayaa sheegaya in haatan Ahlu Sunna Waljamaaca ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday deegaanada maamul goboleedka Galmudug oo markii hore ay dagaal culus la galeen.

Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa waxaa horkacaya hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo maalmo kahor gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan aysan aheyn kuwa ciidan ama siyaasadeed, balse ay yihiin kuwa caadi ah oo uu Macallin Maxamuud ka wado deegaanka, maadaama uu kasoo jeedo, una soo halgamay xoreynta dhulkaasi.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa haatan gaaray deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen culimada deegaanka.

Macallinka ayaa waxaa socdaalkan ku wahlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, sida guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb, xildhibaano iyo wasiiro, kuwaas oo kamid ah xubnaha lagu soo dhaweeyay magaalada Huurshe.

Ujeedka uu hoggaamiyaha Ahlu Sunna u tegay halkaas ayaa ah inuu ka qayb-galo siyaaro lagu qabanayo deegaankaasi, wxuuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

“Annaga waqti dheer kuma soo talagelin xoogaa yarbaa meesha usoo aadnay oo idinku nimid, musiibooyin waa weyn baa nagu dhacay musiibooyinkaasi waxa ay ahaayeen mid waa Xaliimo Sheekh Yuusuf, midna Muraayad Karar bey aheyd, labadooduba tiirbey u ahaayeen islaamka oo dhan Ummaddana u leh waxtar u leh Alla u naxariisto” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.

Ahlu Sunna ayaa horay dagaallo ula gashay Galmudug, inkastoo markii dambe dagaal looga saaray magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, ayada oo mar dambe laga heshiiyay wixii dhacay, si aysan mar kale labada dhinac ugu dagaalamin gobollad Dhexe.

Ahlu Sunna oo horay xubno ugu yeelatay Galmudug ayaa waxaa lagu xasuustaa, sida ay Al-Shabaab uga xoreysay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan aagga Dhuusamareeb.

The post Daawo: AHLU SUNNA oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this