Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo si Adag ugu Jawaabay Diblomaasi Soomaaliya ka Tirsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faysal C.Waraabe oo si Adag ugu Jawaabay Diblomaasi Soomaaliya ka Tirsan

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in koox cadaw ahi ay doonayso in ay Somaliland dumiso, isaga oo si gaar ah usoo hadal qaaday Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Somaliland, lagu wado arrin hore Soomaaliya ugu socotay, sida uu hadalka u dhigay, arrintaasi oo ah in loo qaybiyo gobolo, isaga oo sheegay in Somaliland, aanay ka soconayn, oo aanay aqbalayn.

Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayuu si gaara uga hadlay, isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dad doonaya in ay Somaliland burburiyaan, isaga oo sheegay in magaca jagada uu hayo uu xataa badalay.

Waxaanu yidhi.”Ninka la yidhaa Cabdikariin Xuseen, ee la baxay u qaybsamaha dowlada Federaalka ee arrimaha Somaliland, ee xataa magicii badalay ahaa wadahadalada Somaliland, waxba inaga qaadi maayo”.

Waxa uu sheegay in beeno aan sal iyo raad lahayn ay faafinayaan cadawga Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland, xadkeeda si dhakhso ah u tagayso.

Waxaanu yidhi.”Cadawgeenii barobagaadho iyo been ayuu adduunka la maraya, waxan ugu bushaaraynayaa shacabka Somaliland, xuduudeenii si dhakhso ah ayaynu u tagaynaa, dhallinyarada sida mutadawacnimada ah ciidamada u gashay waxan leeyahay guulaysta”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this