Che -Guevara Posted October 26, 2007 Abaandulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ibraahin Caydiid Dhadhable oo hada ku sugan Jiida hor ee gobolka Sool isaga oo Kormeer ku maraya Aaga Hore ee ciidanka ka shisheeya magaalada Laas-caanood ayaa warbixin kooban weriyaha Haatuf ee gobolka Sool, A. A. Yusuf ka siiyay xaaladda jiiddaas, waxaanu sheegay inaanay jirin wax dhibaato ahi, isla markaana ay la socdaan dhaqdhaqaaq kastoo oo ay ciidamada cadowgu qaadaan. Ibraahim Caydiid ayaa ugu horeyn isagoo xaaladda jiidaas ka waramaya waxa uu yidhi “Waad aragta xaalada jiida waxana hada dagalki laga jooga muddo waqtigi Gobolka la qabtayna ciidamadu waxa ay ku dagalameen debeda daafaha waxa kaliya ee ilaa hada laga arkaya Magaalada waxoogaa shaqaaqo mudaharaada oo ay kooxo yar oo dhalinyaro ahi ka samaynayaan xaafad ka mida Magaalada taas oo la doonayo in si nidaama loo galo.” Abaanduluhu mar uu ka hadlayay xaaladda dagaal ee waqtigan iyo hanjabaadaha Puntland waxa uu yidhi “Tabaha dagaalku waa faro badan yihiin, tab kasta oo ay Puntland la timaadona waanu la soconaa, diyaar baanuna uu nahay in aanu tabta ay keenaan teeda kula dhaqano, taasina waxa ay ka mid tahay xaaladaha dagaalka saacadaa laga bilaabo waxa aan awoodaa in aan ciidan u diro Garoowe oo aan waxaan doono ka soo sameeyo, balse waxa qudha ee aan iska diidayaa dagaalka noocaas ah balse waxa aan kuu sheegayaa in aanu si kasta oo ay xaaladda dagaalka u dhigaan aanu ula gudhin karo, Ciidamaduna waxa ay xidheen dhamaan Aagaga Gobolka waana Ciidamo dhumucdoodu dhisan tahay waxana ay is haystaan ilaa Oog iyo ilaa Jiidaha hore ee Magaalada Laas-caanood ka horeeya.” Abaandulaha mar la waydiiyey waqtiga ay xadka gaadhayaan waxa uu sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan u tagayaan waxana uu yidhi isaga oo arrintaa sharaxaya “Ujeedada ugu horaysaa waa in xadka la tago, in badan ayaanu fadhinay aagan dhexe balse hadda waxa naga go’an in aanu xadka tagno anagu ma nihin wax iska yaacaya ee waxa aanu nahay ciidan dhisan oo u soconaya qaab istarajijiya waxa aanu wadnana waa istarajijiyada anaga oo leh istarajijiyadayada ayaanu waxa aanu doonaynaa in aanu xadkayaga ku tagno si dhib yar. balse hadday Puntland isku daydo in ay soo samayso abaabul dagaal waxa aanu u sheegaynaa in aanu Garoowe dhexdiisa arrintu noqonayso” ayuu hadlakiisa ku soo xidhay. Dhinaca kale mar aan Aagagaa booqday ciidamadu waxa ay ahaayeen qaar si xoogan u feejigan iyada oo ay ii sheegen in ay la socdaan xaaladaha ka jira Garoowe oo ay sheegeen in aanay awood buurani jirin balse ay diyaar u yihiin wax kasta oo ay isku dayaan. Xigasho: Haatuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 26, 2007 We already have this thread sxb Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 26, 2007 then guess ......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 26, 2007 Warbixin shaqaaqooyinka ka taagan Laascaanood Last Updated::2007-10-25 18:55:37 Laacaanood(HRNet):- Dad gaaraya 45 oo ay maleeshiyooyinka taageersan Soomaaliland maanta ka afduubeen magalada Laascaanood ayaa lagu oo waramayaa in haatan la geeyey magaalada Burco. Dadkan ayaa kamid ahaa kuwo laga qab qabtay gudaha magaalada Laascaanood, halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay oo dhan uu ka socday kacdoon shacab oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland. Ciidamada Soomaaliland ee saldhigoodu yahay banaanka waqooyi ee kontaroolka Laascaanood ayaa maanta isku dayey in ay gudaha usoo galaan magaalada Laascaanood, taasi oo keentay iska horimaad dhagax tuur ah iyo mid hubeysan oo ay shacabka kala hortageen raxan kamid ah ciidamada Soomaaliland. Arrintan ayaa keentay in ay dhintaan labo kamid ah ciidamada Soomaaliland oo midi xabad lala haleelay halka kan kalena uu ka dhacay gaarigii uu saarnaa. Midka xabada lagu dhuftay ayaa la sheegay in askarigaasi uu isku dayey inuu dejiyo Calanka Soomaaliya oo surnaa guri ku yaal wadada laamiga dhinaceeda, arrintaasi oo keentay in qof shacab ah toogto asagoo dajinaya calanka buluuga ee astaanta Soomaaliya. Waxaana halkaasi iska horimaad hubeysan ku dhexmaray dhalinyarada magaalada iyo ciidankii saarnaa gaariga tiknikada ah ee uu askarigaasi la dilay la socday. Ciidamadaasi ayaa dib uga gurtay goobta uu iska horimaadka ka dhacay kadib markii ay kusoo qamaameen dad badan oo careysan. Dhinaca kale maleeshiyooyinka ku sugan gudaha magaalada iyo Ciidamada Soomaaliland oo iskaashanaya ayaa magaalada ka qafaalay dad isugu jira rag, haween iyo dhalinyaro. Dadkan oo lagu qiyaasayo 45 ayaa hada wararka soo baxaya ay sheegayaan in qaar kamid ah la geeyey magaalada Burco, halkaasi oo horey loogu xiray tiro kamid ah ciidamada Puntland oo ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyinka taageersan Soomaaliland. Dadkan loo dhaadhiciyey xabsiga Burco ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah raga ganacsatada magaalada kamid ah. Xaalada magaalada Laascaanood ayaa kacsan ayadoo ay shacabku weli wadaan banaabaxyo ay wadooyinka dhagaxaanta ku dhigayaan isla markaana si weyn uga hortagayaan in ay jidadka magaalada maraan xubnaha Somaliland usoo dirsatay Laascaanood iyo waliba ciidamada iyo maleeshiyooyinkoodaba. Falkan maanta ayaa kusoo beegmay 24 kadib markii Baaq nabad ah ay soo saareen Issimada Puntland oo ugu baaqay ciidamada Somaliland in ay si nabad ah isaga baxaan magaalada Laascaano, hadii ay taasi dhici weydana cawaaqib xumo lagala kulmayo. Hase yeeshee maamulka Soomaaliland ayaa hada xooga saaraya inuu si awood ciidan ah ugu caburin lahaa shacabka magaalada gadoodka ka wadan kuwaasi oo gebi ahaanba kala xiray magaalada isla markaana xanibay xubnihii maamulka Somaliland u magacaabay Laascaanood oo loo diiday in ay magaalada gacanta ku dhigaan. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites