Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Ma Awooddaa Inay Dagaal Toos Ah La Gasho Israa’iil?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si cad ugu digay Israa’iil – waa inay joojisaa weerarrada Qasa haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo.

Si kastaba, dagaalkan labada dhinac ah, ayay Iiraan markii ugu horreysayba sheegtay taageeradeeda ay u heyso kooxdan militari ee Xamaas iyo Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale uga digtay Israa’iil inay waajihi doonto cawaaqib-xumo.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Iiraan, ayaa ugu hanjabay Israa’iil in weerar gantaallo ah lagu qaadi doono magaalada Xayfa ee Israa’iil.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Qasa ay sii socon doonaan, qofna aanu awoodin inuu joojiyo Muslimiinta, sida lagu sheegay war lagu daabacay Telefishinka Iran Press.

Su’aasha ayaa haatan ah in Iiraan, oo mar walba hanjabaado iyo digniinno usoo jeedisa Israa’iil, ay dhab ahaantii awood u leedahay inay dagaal la gaasho Israa’iil.

Iraan Mala Dagaalami Kartaa Israa‘Iil?

Professor Ashwini Mahabatra, oo ka faallooda arrimaha Aasiyada Galbeed waxna ka dhiga Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee Delhi ayaa qaba:

“Iiraan ayaa horumarisay teknoljiyaddooda in ka badan sidii hore. Waxay heystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer. Inkastoo Israa’iil ay iska caabbin karto, waxayse ka door bideysaa inay ka fogaato dagaal ay la gasho Iiraan.”

Israa’iil ayaa sidoo kale heysata hub. Waxaa sidoo kale taageera Mareykanka. Mar walba oo uu dagaal dhaco, Mareykanka ayaa taageera Israa’iil. Marka tan, uma maleynayo in Iiraan ay dooneyso inay dagaal toos ah la gasho Israa’iil ,” ayuu yidhi.

Professor Pramanand Mirasra, oo wax ka dhiga Jaamacadda Islaamiga ee Jamia Millia ayaa qaba isla dood taas la mid ah: “Iiraan gebi ahaanba kuma lug yeelan doonto dagaal toos ah oo Israa’iil ay la gasho sababta oo ah Israa’iil waxaa taageera Mareykanka. Sidaa darteed, ma awooddo inay isku xilli la dagaasho laba dal. “

Waxaa intaa dheer, marka la eego dabiiciyadda siyaasadeed ee deegaanka ee Iiraan, ma oggolaaneyso inuu dalkaasi galo dagaal toos ah.

Madaxweynaha wadanka Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa bartiisa X (Twitter) qoraal uu dhigay ku yidhi “Washington waxay na waydiisanaysaa in aynaan waxba sameyn, laakiin taageero ballaadhan ayay siinayaan Israa’iil. Maraykanku waxay fariimo u dirayaan tiirarka wax iska caabinta, laakiin fariin cad ayay ka helayaan goobta dagaalka.”

“Tiirarka wax iska caabinta” waa isku xir u taagan kooxaha ay Iiraan taageerto ee mandiqadda bariga dhexe oo ay Xamaas ku jirto.

Madaxda Maraykanka ayaa uga digay Iiraan in ay ku lug yeelato dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, si looga baaqsado dagaal ballaaran oo mandiqada ka qarxa.

Ururka Xisbullah, oo saldhigiisu yahay Lubnaan, sidoo kalena ay taageerto Iiraan ayay gantaallo is waydaarsanayeen Israa’iil todobaadyadii la soo dhaafay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this