Deeq A. Posted October 29, 2023 Dalkee iyo Afkee ugu weyn Aduunka?. Qaybta 1,aad Gogoldhig. Waa markale iyo falanqayn iyo faaqiddaad aan doonaayo in aan ku lafo guro Degel samaha guunka ah ee weli lagu nagi yahay ee Dhulka Hooyo iyo Afka guunka ah ee Aduunka ugu Faca Wayn ee kamadanbaystii ku Magac baxay Afka-Hooyo, aan Saafo halkaase Afka Guunka ah ee Afka-Hooyo, Magacyo Hore ayaa jiri jiray oo Afkani lahaan jiray ama looyaqaanay, se Magacii ugu Danbeeyey ee noqday Magaca loo diwaan geliyey waxa uu ahaa AFKA-HOOYO inta Afka Hooyo lagu Kooyaayey ama loogu yeedhaayey ama lagu magacaabaayey Afka-Hooyona waa mudo aan ka yarayn Todoba KUN oo Sanadood (7,000 oo sanadood), Afka-Hooyo waa Af Duug ah ama Guun ah, oo Qorma ama waa Af Qoran oo leh Taariikh iyo Sooyaal Qoraal dhigan mudo aad u Facweyn!, waxa se nasiib daro ah in taa ay seegan yihiin dadka Haatan ku Dhaqan Dhulkii Hooyo iyo Dadka kale ee ku dhaqan dhulkii Xoolo dhaqatadii bariga Afrika, uu beri-samaad ahaa degelkoodu, se maanta wada ah iyaga iyo Dhulkii-Hooyo, Dhulka Haatan lagu sheego Dhulka:- Soomaalida/Soolisida/Soodhiijida, iyada oo hadana Erayga Silan ee Soomaal/Soolis/Soodhiiji uu yahay AF ahaan eray ama Erayo ku qumanayn ama aanay suurto gal ahayn in ay noqdaan Magac Qoomiyadeed iskana daa’ Magac qabiilna!, oo Murti, Dhaqan, Taariikh iyo Suugaan wax San oo ku sheegan ama ku ladhan ama ku xidhiidhsan ama ku sidkan oo la raaciyaa aanay jirin Erayga SOO-MAAL/SOO-LIS/SOO-DHIIJI, waxa se ku sidkama oo laraaciyaa dhowr eray oo Catow, Calloolyow iyo Ceebbayn ah!. Hadaba yaanan waxba ku tiigaalin oo Khadka ku khasaarin wax hawaawi ah oo sal, raad iyo suuroow toona lahayn, ee aan Soo laba shubo oo aan u daadego arinka ku gaddaaman ee dhex gowdiida uuna xambaarsan yahay Maqaalkan aan khadka qalinka u daray, waxa aan doonayaa haduu Alle ii Amro in aan Raad raac ku sameeyo Magacyo Saddex Qof oo ku Raad dhigan Taariikhda aduunka, Si loo Garawsado facweynaanta Afkan noqday Afkii-Hooyo, Waa Saddex Nabi Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee, Kuwaas oo kala ah, Nabi Aadan cs, Nabi Nuux cs iyo Nabi Muuse cs. (AFEEF:- marnaba wax ku lidi ah nabiyadan Alle oo meel ka dhac ku ah Sharaftooda, Mudnaantooda, iyo Nabinimadooda uma qalin qaadan se in aan Magacyadooda Sharafta iyo haybada Alle kor yeelay in aan sharax ka bixiyo ayaan doonayaa, waxaan ahayn Aadame daciif ah oo qaldama sidaa awgeed hadii wax aan munaasib ku ahayn nabiyadan Alle, oo aan Aqoon yaraan iyo Daciifnimo Aadame awgeyd ku sheego ama ku sharaxo, wax Aanay Mudnayn ama Munaasib ku ahayn, Alle oo kaliya ayaan qaldamin ee iiga raali ahaada oo iqabta oo Isaxa ama I toosiya idinka oo mahadsan Walaaladayda Qalinka iyo Akhriskow). Nabi Aadan Cs. Nabigii Alle ee Aadan Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee waxa uu ahaa Qofkii ugu horeeyey Dadkeena ee uu Alle Abuuro ama sameeyo, Sidoo kale waxa uu ahaa Qofkii ugu Horeeyey ee Magac loo bixiyo loogu yeedho, waxaana Magacaa u bixiyey Allihii Abuuray ee Sameeyey ee Dhoobada ka sameeyey ee geliyey Nafta, Magacaas oo ahaa AADAN, Bal Hadaba Magacaa Alle u bixiyey Abuurtiisii Dad ee ugu horaysay ee Dadka aduunka ku guud sugani ku AB tirsadaan ee ay Aadamaha ku sheegtaan, Muxuu ka dhigan yahay ama Magaca Aadan muxuu eray ahaan u yaalaa ama lagu macneeyaa?, Eray ahaan ama Magac ahaan Magaca Aadan waxa uu ka dhigan yahay……………… Lasoco taxanaha. Abuurtii wacnayd ee Alle Ayuu Aabaheen Aadan ahaa Khadar Hooyoley 29-10-2023 Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites