Sign in to follow this  
Deeq A.

Falcelin yaableh oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay Cali Jayte

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali-Jayte-Jeyte-aa.jpg?fit=1536%2C2048&

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin yaableh oo dhanka baraha bulshada ah ayaa ka dhalatay xil cusub oo uu maanta madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun ku dhawaaqay maamul la magac baxay Hiiraan State.

Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda.

Ninkan ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda.

Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte Cismaan.

Haddaba sidee looga falceliyay xilka loo magacaabay Cali Jayte?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabistaan, waxaana qaarkood ay tilmaameen in xilkan uusan u qalmin Cali Jayte, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen, maadaama uu yahay nin ciidan.

Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri “U qeybsanaha iyo ergayga meeqaa lasii marsiinooyaa tiro xadidan malahan miyaa?”.

Maryan Cali ayaa iyadana ku jawaabtay “Xasan cashirada xilka xaguu kasoo akhristaa maalin kasta xil aan la maqal lee soo sheegaa”.

Cumar Cabdullaahi ayaa isna si kaftan ah uga hadlay magacaabistaan “Madaxweynaha Hiiraan State qash-qashaadda maa laga daayo”.

Daahir Mahdi ayaa isaguna qoraalkiisa falcelinta ah ku yiri “Waa u qalmaa xilkaas hoggaamiye Cali Jayte Cismaan”.

Cabdisalaan ayaa soo dhaweeyay magacaabista Cali Jayte, wuxuuna yiri “Manta ayuu asiibay madaxweynuhu, Congratulation”.

Cabdirisaaq Maxamed isna wuxuu ku jawaabay “Cali Jayte ka badan ayuu mudnaa waa hoggaamiye ku suntan kacaankii Hiiraan lagu xoreeyay”.

The post Falcelin yaableh oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this