Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo wafdi culus u dirtay Koonfur Afrika + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
Mursal-dibadda.png?fit=747%2C384&ssl=1

Johannesburg (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay magaalada Johannesburg ee caasimada dalka Koonfur Afrika, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayada oo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Cali Mire oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka wasiir ku xigeenka, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo la kulanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

“Waxaa wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ujeedkooda uu yahay inay la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan wasiirka isagaa dadka la kulmi doono ajendihiisa iyo qorshihiisana u sheegi doono” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Mire.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu booqan doono dhammaan deegaanada ay joogaan Soomaalida, si uu usoo arko.

“Waxaan u joognaa maalmo shaqo oo dhinacyo badan taabaneyso oo ay ugu horreyso safaaraddeena iyo howlihii ay wadday inaan safiirkeena kala sheekeesano, sidoo kale bulshada guud ahaan ee Soomaaliyeed ee dalkan ku nool inaan is aragno oo is wareysano qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan qorsheyneynaa in aan gaarno magaalooyinka kale todobaadkan waa wada joognaa, wixii kale dib ayaan iska wareysan doonaa”.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxayna weeraro kala kulmaan burcad hubeysan oo ku heyso dil, dhaawac iyo boob hantiyeed intaba.

The post DF oo wafdi culus u dirtay Koonfur Afrika + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this