Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS, HirShabelle iyo QM oo shir ku yeeshay Jowhar + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
397422933_733097288861478_31501103222332

Jowhar (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedka HirShabelle  iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada ah ee Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey.

Dowladda dhexe waxaa shirka ku metalayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow, waxaana dhanka QM ka socday Wakiilada FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP.

Sidoo kale waxaa shirkan oo looga hadlay arrimaha hormurinta ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada maamulka HirShabelle oo wehlinayay madaxweynahooda.

Kulanka dhex-maray saddexda dhinac ayaa waxa ay uga wada-hadleen kor u qaadista mashaariicda horumarinta iyo ka doodista mashruuca biyo xireenka Jowhar ee (JOSP).

Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga Shabelle iyo biyo la’aanta xilliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wax soo saarka beeraha.

HirShabelle ayaa baahi weyn u qabta mashruucan, maadaama ay leedahay dhul beereed caan ku ah wax soo saarka, haatana aan si wanaagsan looga faa’iideysan.

Si kastaba, kulanka dowladda dhexe, QM iyo HirShabelle ku dhex maray Jowhar ayaa kusoo aaday, xilli cabsi ay ka taagan tahay maamulkaasi, taas oo ku aadan fahaahadda wabiga Shabelle iyo xaaladda la saadaalinayo ee El-nino oo ay horay uga digtay dowladdu.

396467064_733097035528170_89159921133181 396500364_733097358861471_77883988545502 396543583_733097318861475_50089030311714 396696927_733096962194844_80236597578786 396701524_733097415528132_87440439130824 397422933_733097288861478_31501103222332 397566302_733096878861519_91930478983018 397990510_733097592194781_86864069811244 Guudlaawe.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Karoore.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post DFS, HirShabelle iyo QM oo shir ku yeeshay Jowhar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this