Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Laftagareen oo si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab saareen deegaanada KG

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen.jpeg?fit=1080%2C720&ssl=1

Waajid (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen  ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab geliyeen deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa maanta dadka kula hadlay fagaare ku yaalla degmada Waajid, wuxuuna farrin u diray shacabka ku nool deegaanada go’doonsan oo reer Waajid ay ku jiraan.

Laftagareen ayaa wax laga ximaado ku tilmaamay in dadkiisu ay go’doonsan yihiin in ka badan 14 sano, isagoo dadka kula dardaarmay inay dagaalamaan, inta aan gaajo loo dilin.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay u diyaar garoobeen dagaal, guulo waaweyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, anagu waxaan diyaar u nahay bilaabidda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in reer K/Galbeed ay koogaan waqtigii ugu fursadda roonaa, isla maraakana ay diyaar u yihiin bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan hal maalin howlgalka wajiga labaad ka bilaabi kara seddaxda gobol ee maamulkaas.

Dadka reer Waajid ayaa ku jira go’doon adag adag oo ay la qabaan qaar kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Bakool oo Shabaab in ka badan 10 sano ay u diidan yihiin inay wax u gudbaan.

Madaxweyne Laftagareen iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa gobollada K/Galbeed ka qada abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka kooxda.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Laftagareen oo si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab saareen deegaanada KG appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this