Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay gargaar gaarsiin doonto shacabka Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698562324218.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay shaacisay in diyaar u tahay gargaar bini’aadanimo in ay gaarsiiso shacabka Falastiin ee ku go’doonsan Marinka Gaza.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhaqaatiir iyo gargaar bini’aadanimo in ay gaarsiiyaan magaalada Gaza.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo lahadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa tilmaamay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay gargaar gaarsiin doonto shacabka Falastiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this