Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Odayaasha degmada Diinsoor

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698558398049-615x410-1.jpg?resiz

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay odayaasha degmadaas.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa kala hadlay Odayaasha Dhaqanka degmada Diinsoor Qorshaha Qaran ee la-dagaallanka kooxaha Argagixisada ah ee AS iyo sidoo kale ilaalinta wadajirka bulshada Diinsoor.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed Mudane Xuseen Maxamuud Shekh Xuseen iyo qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo xubnaha wafdiga ee la socdo ayaa odayaasha iyo waxgaradka kala hadlay dardargelinta wajiga 2-aad ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada AS.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Odayaasha degmada Diinsoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this