Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah isimada Puntland oo maanta kulan la yeeshay guddiga doorashada PEC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698497814325.jpg?resize=720%2C48

Qaar kamid ah isimada Puntland oo shir uga socdo magaalada Garoowe ayaa maanta kulan la qaatay guddiga doorashada ee PEC.

Isimada dhaqanka iyo guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay khilaafka ka taagan arrimaha doorashada 2024.

Isimada dhaqanka ee ku shirsan Garoowe ayaa lagu wadaa in ay dhawaan go’aano ka soo saaraan xal u helidda khilaafka doorashada madaxtinimada Puntland.

Dhinaca kale dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa maanta shir ku saabsan arrimaha doorashada waxa uu uga socdaa Garoowe.

Mucaaradka iyo dowladda ayaa ku muransan hannaanka loo geli doono doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in doorashada lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod halka mucaaradku doonayaan in lagu qabto nidaamkii hore ee 66-xildhibaan.

PUNTLAND POST

The post Qaar kamid ah isimada Puntland oo maanta kulan la yeeshay guddiga doorashada PEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this