Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiyada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Dugsiyada Hargeysa
IMG-20231028-WA0017.jpg

IMG-20231028-WA0017-1.jpg

IMG-20231028-WA0016.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka, Agaasimayaasha Waaxaha Kormeerka iyo waxbarashada Tooska ah ayaa kormeeray qaar kamida dugsiyada magaalada Hargaysa.

Kormeerkan ayay u jeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada sida waxbarashadu uga socoto dugsiyada, ayaa dhammaanba ka bilaabmay magaalada Hargeysa, waxaanay wasaaraddu maanta si rasmiya u kala dirtay kooxaha ka shaqayn doona kormeerka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa dugsiyadii ay kormeerka ku sameeyeen fasaladii ay waxbarashadu ka socotay mid mid u galay, isla markaana warbixino ka dhagaystay maamulayaasha dugsiyada iyo ardaydaba.

Kormeerkan ayaa mid ah kormeero kala duwan oo laga fulinaayo dhamaanba dagmooyinka iyo gobollada dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this