Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wasiirada-.jpeg?fit=2048%2C1365&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir gole oo aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

“Waxaa xubnaha golaha sharafta leh lagu war-gelinayaa in 2:00PM Duhurka kadib si buuxda uga soo qayb-galaan shir gole oo aan caadi ahayn oo ku qabsoomaya xafiisa ra’iisul wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray dhammaan xubnaha golaha wasiirada.

Dhaq-dhaqaaq xoogan iyo u diyaar garow ku aadan shira ayaa haatan ka socda Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ah halka uu ka dhacayo.

Kulankan ayaa laga yaabaa in golaha wasiirada ay uga doodaan arrimo ku aadan xisaab xirka miisaaniyadda dowladda, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow golaha wasiirada.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in goaha ay sameeyaan isbedallo kale oo waa weyn iyo kuwa dhexdooda ah, waxaana hadal heyn xoogan ay ka dhalatay shirkooda oo lagu gorfeynayo baraha bulshada ee ay ku xiriirto Soomaalida.

Golaha ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku go’aamiyeen in mushaarkooda bishaan lagu taageero ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

The post Xog: Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this