Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed oo war kasoo saaray wada-hadallada Somaliland kadib aqoonsigii SSC

Recommended Posts

Deeq A.   
guuleed1-1.jpg?fit=2048%2C2048&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-hadallada, kadib aqoonsigii ay dowladdu siisay SSC.

Guuleed ayaa sheegay in wax isbeddal ah aysan ku imaan wada-hadallada, ayna sii socon doonaan inta laga gaarayo midnimada.

“Wax iska beddalay wada-hadalladii iyo siyaasaddii dowladda Soomaaliya kula dhaqmeysay Somaliland iyo wada-hadalladeeda ma jiraan, meeshii ayayna kasii soconayaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabto Somaliland, isaga oo xusay in ay tahay xaq, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo xalka guud, si la’isugu soo laabto.

“Nimankaas walaalaheena ah ee reer Somaliland oo runtii gocasho aad iyo aad u weyn tabanaya, ayna tahay mid xaq ah oo dhab ah waxay u baahan tahay dhammaanteen sidii aan xanuunkaas iyo gocashadaas uga soo baabi’in lahayn, Soomaaliya inteedana kalena ay dib ugu soo laabtaan aan uga shaqeyn laheyn” ayuu mar kale yiri Cabdikariin Guuleed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Marka laga soo tego amaan darrida guud ee jirta iyo nimanka Al-Shabaab, dhibaatada labaad ee dowladnimada Soomaaliya hortaagan waxa ay tahay midnimadii dalkaa kala dhantaalan, dowlad dhiskii ayay caqabad ku tahay, dastuurkii ayay caqabad ku tahay wax kasta ayay ku tahay caqabad”.

Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in si guud loogala shaqeeya arrinta wada-hadallada si loogu gaaro midnimada iyo wadajir.

“Aniga waxaan rabaa in midnimada la’igala shaqeeyo, waayo ahmiyad weyn ayay leedahay midnimada” ayuu kusoo gabagabeeyay khudbaddiisa.

The post Guuleed oo war kasoo saaray wada-hadallada Somaliland kadib aqoonsigii SSC appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this