Deeq A. Posted October 28, 2023 Wafti ka socda Xamaas ayaa booqasho ku tagay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan sii deynta la haystayaal ajanabi ah oo ay ku jiraan muwaadiniin Ruush ah oo kooxdaas ay hadda ku haysato Gaza. Abu Marzouk, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xamaas ayaa kamid ah wafdigan ku sugan Moscow. Kulamadan ayaa looga hadlay siideynta degdegga ah ee la haystayaasha ajanabiga ah ee ku sugan Marinka Gaza. Waxaa sidoo kale laga hadlay arrimo la xidhiidha xaqiijinta daad-gureynta muwaadiniinta Ruushka iyo kuwa kale ee ajnabiga ah ee ku sugan dhulka Falastiin, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka. Weerarkii Xamaas ku qaaday Israel 7dii bishan ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 qof oo heystay dhalashada dalka Ruushka, halka ilaa 5 kale nolol lagu qafaashay. Yuhuuda kasoo jeeda Yurub ee ku nool dhulka Israel maamusho ayaa in badan oo kamid ah heysta dhalashada dalalka Ruushka iyo Ukraine. Maaha markii ugu horeysay oo xidhiidh toos ah dhexmaro Ruushka iyo Xamaas, xukuumada Putin ayaa hore u waday dadaalo ay ku dhex dhexaadineysay ururada Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas. Ruushka ayaa toddobaadkan laba goor Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay horgeeyey qaraar loogu baaqayo Xabad joojinta dagaalka Qasa, balse waxaa codka VETO ku diiday Mareykanka. Madaxweynaha Ruushka Putin oo hore uga hadlay dagaalka Gaza ayaa ku eedeeyey Mareykanka in aanu dhex dhexaad ka ahayn xiisada, isla markaana Washington diidan tahay in Beesha Caalamka ee kale ay soo dhexgasho xal u helida dagaalka u dhaxeeya Falastiin iyo Israel. Source Share this post Link to post Share on other sites