Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Isku Khilaafay Ku Dhawaaqista Xabad Joojinta Dagaalka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku baaqay “in la furo wadooyin bini’aadantinimo iyo in la hakiyo dagaalka Gaza” si loo hubiyo gargaarka loo wado Marinka Gaza.

Baaq wadajir ah oo ay soo saareen 27-ka hoggaamiye waxay ku muujiyeen “walaaca ugu weyn ee ay ka qabaan xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee Gaza” waxayna ku baaqeen “in la sii wado gargaar bini’aadantinimo iyada oo loo marayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku jiraan waddooyinka bini’aadantinimada iyo hakinta dagaalka.”

Dalalka Midowga Yurub ayaa si weyn isugu khilaafay ku baaqida “Xabad Joojin deg deg ah”, oo ay soo jeediyeen dalalka Holland, Belgium iyo Spain, halka ay ka horyimaadeen dalalka Austria, Germany iyo Sweden oo sheegay in ay ku dhawaaqaan oo kaliya hakinta dagaalka inta gargaarka la geynayo.

“Gargaarku waxa uu u baahan yahay in si deg deg ah ku gaaro Gaza, iyada oo aan la horjoogsan,” ayey tidhi madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen.

Waxa ay ku dhawaaqday in ururka midowga yurub uu laba duulimaad oo kale oo shixnad bini’aadantinimo ah u diri doono dhanka Masar ee marinka Rafah, waxayna sheegeen inay saddex-jibaareen deeqda bini’aadantinimo oo ay sii marsiinayaan hay’adaha Qaramada Midoobay, deeqdaasi oo gaareysa 40 milyan oo Yuuro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this