AYOUB Posted November 11, 2006 SH. MAXAMED OO MAXKAMADDA LA HORKEENAY SHALAY IYO WARBIXIN KU SAABSAN MAXKAMADDII SHALAY Hargeisa (Sanaagweb.com) Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 09/11/2006 maxkamadda Hargeisa dib uga furantay dacwad ka dhan ah wadaaddo uu ka mid yahay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, waa kalfadhigii shan iyo tobnaad ee la horkeeno Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil maxkamadda horteeda, waxaa saaka subaxnimadii laga soo qaaday jeelka oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa Sheekha iyo wadaaddo kale oo uu ku jiro sheekhu, wadaadadan maxkamadda la keenayey oo sitay hal direys oo isku mid ah oo ah laba go’ oo cad cad iyo shaadhadh mad madow, iyaga oo ku dhawaaqayey ‘’Allaahu Akbar Allaahu Akbar’’. http://www.sanaagweb.com Quote Share this post Link to post Share on other sites