Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: DF Soomaaliya oo so saartay bayaan ka kooban 22 qodob

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 22 qodob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa lagu soo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uga qeyb-galay shir-madaxeedka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo muhiim ah kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub, uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarinta.”

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday warbixinta dagaallada ka soo cusboonaday deegaano kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kaalinta ay dowladda ka qaadatay, si loo soo afjaro colaadda taagan

Hoos ka aqriso

Warbixinta Toddobaadlaha

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels kaga qeybgaley shir-madaxeedka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo muhiim ah kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub, uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarinta.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, isla markaana ku dhawaaqey diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta oo ka bilaaban doona degaannada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ciidammada Qalabka Sida iyo kuwa difaaca shacabka mar kale ku bogaadiyey horumarka ay ka sameynayaan dagaalka Khawaarijta, kuna dhiirigeliyay in ay sii xoojiyaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona Soomaaliya Mudane Joacim Waern.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern, waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

7. Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdiraxmaan Xasan Jimcaale u magacaabay Maareeyaha Sanduuqa Nabadda iyo Xasilinta Soomaaliya.

8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku yeelan doono magaalada Jowhar.

9. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe, kuna baaqdey in degdeg wadahadal loogu soo afjaro colaadda taagan.

10. Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacdey Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah.

11. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bogaadiyay shirka ururada bulshada rayidka ee Muqdisho ka dhacay.

12. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka Qalabka Sida ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

13. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in Khawaarijta sannad gudihiis laga xoreeyay dhul ballaaran, lagana dilay kumanaan ka tirsan maliishiyaadkooda.

14. Wasiirka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa rajo weyn ka muujiyay habsami u socodka hanaanka dayn cafinta Soomaaliya oo la filayo inuu soo dhammaado bisha December ee Sannadkan.

15. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka go’an tahay dhowrista iyo ilaalinta saxaafadda xorta ah iyo bedqabka suxufiyiinta.

16. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka Iskaasdhiga Islaamka Dr Xuseen Ibraahim Taaha.

17. Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Ceel-Boon 48 km galbeed kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

18 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Taliyaha Kuliyadda Turkisom ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya.

19 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degmada Galcad iyo deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

20. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday abwaan Marxuum Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) oo ka tirsnaa hoballada Waaberi.

21. Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgalo sifeyn ah ka sameeyay deegaannada Caad iyo Shabeeloow koonfurta gobolka Mudug.

22. Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay fadhiliyeen dhagar Khawaarijta ay la maaganaayeen shacabka magaalada Muqdisho, kadib markii gaari qaraxyo wada oo argagixasada ay wateen lagu qarxiyay Ceelasha Biyaha.

The post Aqriso: DF Soomaaliya oo so saartay bayaan ka kooban 22 qodob appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this